Muqdisho,(insidesomalia.org)-Saraakiisha Isbitaalka Madiina ayaa maanta waxaa ay sheegeen in Isbitaalka la soo gaarsiiyay in ka badan 20 Ruux oo rayid ah oo ku soo dhaawacmay dagaalkii shalay galinkii dambe ka dhacay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo ka mid ah Isbitaalada lageeyo dhaawcyada ayaa 24 Saac ee ugu dambeeyay waxaa la gaarsiiyay in ka badan 20 Ruux, kuwaasi ku soo wax yeeloobay dagaalkii shalay galinkii danbe dhacay qeybo kamid ah Degmada waabari oo dhaxmaray Ciidamada Booliska Dowladda iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka.
Qaar ka mid ah Saraakiisha Isbitaalka Madiina ee ayaa Saxaafada u sheegay in 6 ka mid ah dhaawacyada xaaladooda ay tahay mid liidata halka 14 ka mida ahna dhaawacyada uu fududaa kadib markii gar gaar caafimaad loo fidiyeyna loo celiyey guryahooda.
Isbitaalka Madiina ayaa waxaa Jiifa in ka badan 70 Ruux, kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan oo kasoo gaarey xarig jiidka u dhaxeeya Dowladda iyo Kooxaha kadagaalama Magaalada Muqdisho, waxaana Isbitaalka Madiina uu ka mid yahay Isbitaalada la gaarsiiyo dhaawacyada ugu badan eek u dhaawacma Dagaalada Soomaaliya.